Barcelona ayaa markale muujisay awoodeeda iyadoo markanna ku badisay 4 vs 0 ciyaarta ayaa inta badan waxa maamulaysay kooxda barcelona oo ahayd kooxda khataraha badan ku haysay kooxda kale.
Goolka 1aad ayaa yimid daqiiqaddii 37aad ee ciyaarta waxaana dhaliyey laacibka laga yaabanyhy baryahan dambe ee reer Gabon P.Aubameyang. Aubameyang ayaa sidii kooxda barcelona uu u yimid samaynayey gool dhalin heerkeedu sareeyo. qaybta hore ayaa lagu kala nasday 1 Vs 0 ay barcelona ku hogaaminayso.
Markii la isku soo noqday barca ayaa halkeedi ka sii watay ciyaar wanaagay soo bandhigaysay waxayna goolkeeda 2aad la timi daqiiqaddii 73aad waxaana gool u badalay caawin uu sameeyey Dejong mousa Dembele. mar kale ayey barca sii dheeraysatay hogaanka ciyaarta waxaana markaan goolka 3aad dhaliyey Dejong oo markiisa caawin ka helay Dembele.
Barce ayaa dhalisay goolkeeda 4aad daqiiqadihii ugu dambeyey ee ciyaarta lagu daray waxaana markan dhaliyey Memphis Depay caawin uu sameeyey markale mousa dembele.
ugu dambayna ciyaarta ayaa ku dhammaatay 4 0 ay barcelona ku badisay guushan ayaa ka dhigan i ay barcelona ay soo gashay kaalinta 4aad ee kala saraynta horyaalka laliga iyadoo farqiga goolasha kaga haysa kooxda athletico madrid.
Comments
Post a Comment