waxay ahayd ciyaar aad u adag oo labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar aad u heer saraysa dhankasta labada kooxood ayaa qaybtii hore ee ciyaarta sameeyey fursado badan iyadoo gacanta sare ay lahayd kooxda Chelsea taaso samaysay fursaddo badan oo gool loo fishay . Mason mount ayaa hely fursaddii ugu wanaagsanayd ciyaarta qaybta hore waxaase gool caddaana ka badbaadshay goolhaye C.kelleher.
Markii la isku soo noqday ayey labada kooxoodba dadaalkoodi halkii ka sii wadeen iyagoo ku xisaabtamaya tartaarankii ugu dambeeyey ee ay macalimiintoodu soo siiyeen . markan liverpool ayaa ahayd kooxda fursadaha badan samaysay iyadoo uu goolhaye Mendy sameeyey badbaadino badan
Daqiiqaddii 67aad liverpool ayaa la timi goolka koobaad ee ciyaarta laakiin waa la diiday ka dib markii V.van dijk oo ahaa laacib ka qayb qaatay dhisidda goolka uu offside ku jiray Var ayaa laga soo hubiyey.
Daqiiqaddii 97 Lukaku ayaa laga diiday gool offside ahaa markale daqiiqaddii 110aad Chelsea ayaa laga diiday gool kale oo isna ahaa offside.
Ugu dambayn ciyaarta ayaa la isku mari waayey 90kii daqiiqo iyadoo lagu daray 30daqiiqo oo dheeraad ah si labada kooxood loo kala saaro lkn natiijada ciyaarta waxba iskama badalin waxaynu ku dhammaatay 0 iyo 0 ka dibna waxaa la dhigay gool ku laadyo taaso ay liverpool koobka ku qaaday Keba oo ciyaarta loo soo geliyey inuu ciyaartoyda liverpool goolasha ka qabto ayaa cunay goolkii ugu dambeeyey ee kooxdiisa koobka looga qaaday.
Comments
Post a Comment