Agaasimaha kubbada cagta Manchester United John Murtough ayaa sheegay in "hannaan sax ah" uu socdo si loo helo tababarahooda xiga ee joogtada ah

Agaasimaha kubbada cagta Manchester United John Murtough ayaa sheegay in "hannaan sax ah" uu socdo si loo helo tababarahooda xiga ee joogtada ah iyadoo kooxdu ay doonayso inay mar kale bilowdo tartan loogu jiro "koobabka ugu sarreeya". 

United waxa ay ka hoos shaqaynaysay tababaraha ku meel gaadhka ah ee Ralf Rangnick tan iyo bishii December, markaasoo uu macalinka Jarmalku bedelay Ole Gunnar Solskjaer ka dib qaab ciyaareed liita oo ay ku bilowdeen ololahan iyo dhawr guuldarrooyin. john murtough agaasimaha kooxda oo la hadlayey warbaahinta ayaa yidhi "Waan ognahay in joogtaynta ay fure u tahay anagoo ku dadaaleyno inaan ku dhameysano afarta sare xilli ciyaareedkan," 

“Waxaan rabaa inaan ku celiyo si kastaba ha ahaatee tani maahan hadafka ugu dambeeya ee Manchester United, qof walba oo kooxda ka tirsan wuxuu diirada saarayaa u tartamida koobabka ugu sareeya. "Hadda waxaan wadnaa habraac dhammaystiran oo ku aaddan magacaabista maareeye cusub oo xilkan qaban doona xagaagan, annagoo ujeeddadu tahay inaan dib ugu soo celinno tartannada horyaallada gudaha iyo Yurub." 
 Tabaraha kooxaha PSG iyo Ajax Mauricio Pochettino iyo Erik ten Hag ayaa ah dooqa koowaad ee lala xidhiidhanayo inay si rasmiya u qabtaan hogaanka kooxda

Comments