Maanta oo ah maalin sabti ah waxa jira kulamo xiiso badan oo horyaalka premier league ah ciyaarta ugu horaysa maanta waxay dhex maraysaa Leicester city iyo Leeds united waxayna soo dhacaysaa saacadda geeska africada bari markay tahay 3:30pm labada kooxood ayaa hoos u dhac wayn sameeyey toddobaadadii ugu dambeeyey iyo kooxda Leeds ay la kulantay guuldarooyin waawayn oo isku xig xigay taaso sababtay in shaqada laga caydhiyo tababare Breisle . Leicester waxay ku jirtaa kaalinta 12aad halka ay Leeds ku jirto kaalinta 16aad ee kala sarynta horyaalka.
Kulamada kale intooda badan waxay soo dhacayaan 6:00pm waxaana ka mida Aston villa iyo Southampton , Burley iyo Chelsea kooxda chelsea ayaa baryahanba suuqa taalay ka dib markuu ku dhawaaqay mulkiilaha kooxda inay iib tahay. kulanka ugu dambeeyey kulamada la ciyaarayo sabtida waxuu dhex mari doona kooxaha Liverpool iyo Westham . Liverpool ayaa doonaysa inay caadiska ku sii kordhiso kooxda Man city oo ay horyaalka kula tartamayaan City ayaa la ciyaari doonto kooxda ay isku magaalada ka dhisanyihiin ee Man united maalinta Axadda.
Comments
Post a Comment