Mike Riley ayaa si shaqsi ah uga raali galiyay gudoomiya Everton Bill Kenwright iyo tababare Frank Lampard go'aankii kubada gacanta ee Man City vs Everton
Intii lagu guda jiray ciyaartii Premier League ee isbuucaan, Rodri ayaa u muuqday mid isticmaalaya cududdiisa sare si uu u xakameeyo kubad ku dhacday xerada ganaaxa Everton wax yar ka dib markii Phil Foden uu hogaanka u dhiibay City kulankii Goodison Park, laakiin Tierney ayaa seegay dhacdada, Kavanagh ayaana doortay inuusan ku abaal marin rigoore kooxda everton dib u eegis dheer ka dib.
Everton ayaa cabasho rasmi ah u gudbisay Premier League oo ku saabsan go'aamadii ugu dambeeyay ee ay qaateen masuuliyiin ka dib markii laga diiday rigoore kulankii ay guuldarada 1-0 ah ka soo gaartay Manchester City sabtidii; Agaasimaha maamulka PGMOL Mike Riley ayaa hadda si shaqsi ah raali gelin uga bixiyay dhacdada
Agaasimaha maamulka ee PGMOL Mike Riley ayaa telefoon gaar ah kula xidhiidhay labada guddomiyaha Everton Bill Kenwright iyo maareeye Frank Lampard si uu raaligelin uga bixiyo go'aankii VAR ee ahaa in aan kooxda rigoore lagu dhigin kulankii sabtida ee Manchester City.
Comments
Post a Comment