Wakiilada daafaca Chelsea Antonio Rudiger oo wadahadal joogto ah kula jira Real Madrid iyo PSG

 


Difaaca kooxda chelsea Antonio Rudiger ayuu Qandaraaskiisu dhacayaa xagaagan waxaanu xor u yahay inuu heshiis hordhaca la gaadho kooxdu doonayo inuu u ciyaaro xagaaga dambe. wakiilada ciyaartoyga ayaa wada hadal joogta kula jira kooxaha Real madrid iyo Psg 

wakiilada difaaca iyo kooxda chelsea ayaa wada hadal ka yeeshay qandaraas kordhin bishii january lkn laguma guulaysay in is afgarad laga gaadho taasina waxay sababtay in ciyaartoygu xor noqdo dhammaada xagaagan. Rudiger ma doonayo inuu goaan ka gaadho mustaqbalkiisa ilaa dhammaad xagaagan laba sababood awgeed ta koowad oo ah inuu jacayl badan  u hayo kooxdiisa  mana doonayo inuu ka mashquulo xilli ciyaareedka socda.

Marka labaad, wuxuu doonayaa inuu miisaamo dhammaan dookhyadiisa – labada kooxood ee Yurub iyo Premier League. In uu heshiis cusub u saxiixo kooxda chelsea ayaan meesha laga saarin waxana aanu hore u sheegnay in tababaraha ku meel gaadhka ah ee Man United Ralf Rangnick uu wakhti dheer la dhacsan yahay xiddigan.

Real Madrid ayaa ka mid ah kooxo dhowr ah oo reer Yurub ah kuwaas oo xiisaynaya saxiixa Rudiger kaas oo heshiis hordhac ah la gaaray – waxaana socda wadahadalo ay kula jiraan wakiilada Rudiger.

Paris Saint-Germain ayaa sidoo kale loo maleynayaa inay dooneyso, inkastoo u dhaqaaqitaan kasta oo suurtagal ah Paris uu ku adkeeyay mustaqbalka aan la hubin ee tababare Mauricio Pochettino. Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Manchester United Ralf Rangnick ayaa sidoo kale muddo dheer la dhacsan Rudiger

Comments